”Waa heshiis dhamaaday” – Taageerayaasha Arsenal oo si wayn uga fal-celiyey imaanshaha la sheegay ee Mudryk

0

(London) 13 Jan 2022 – Taageerayaasha Arsenal ayaa aaminsan in u saxiixa Mykhailo Mudryk ee kooxdaasi uu yahay ‘heshiis la dhammeeyay’ kaddib markii Mikel Arteta uu jawaab wax sheegaysa uu ka bixiyey shirkiisa jaraa’id markii wax laga weydiiyey garabka reer Ukraine.

Kooxda Gunners ayaa tan iyo markii uu furmay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ku raad joogtey laacibka Shakhtar Donetsk ee Mudryk, iyadoo uu Sportsmail uu qorayo inuu laacibkan 22-jirka ihi uu ku dhow yahay inuu Emirates ku tago £80m oo gini.

Mudryk ayaa si cad u sheegay todobaadyadii la soo dhaafay inuu aad u doonayo in uu u dhaqaaqo kooxda reer England isaga oo maaliyadda Arsenal ayuu weliba isasoo dhigay barraha bulshada.

“Haa, waxa uu imanayaa Arsenal,” ayuu mid taageere ihi kusoo qoray Twitter-ka oo ay sidoo kale taageerayaal badan oo Gunners ihi ku qamaameen.

Hadalsame Media