(Hadalsame) 12 Jan 2022 – Markii Midowgii Soofiyeeti ee hore uu burburay, Ukraine ayaa waxay Shiinaha ka iibisey markab dabaqadda Kuznetsov ah oo diyaaradaha xambaara. In ka badan labaatan sano kaddib, xisbi siyaasadeed oo Ruush ah ayaa u jeediyey Dowladda Ruushka inay dib ugasoo iibsato markabkaasi Beijing.
Hoggaamiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Libaraalka ee Ruushka, Sergey Karginov, ayaa soo jeediyey in Dowladda Ruushku ay markabkaasi uga baahan tahay Shiinaha, sida ay qortay Wakaaladda RIA Novosti.
Xisbiga Liberal Democratic Party waa xisbi waddani ah oo garabka midig ah, kaasoo loo arko xisbi xagjir ah oo aad u taageersan duullaanka Ruushka ee Ukraine.
Karginov ayaa warbaahinta u sheegay: “Markabka diyaaradda xambaara ee Varyag isaga oo aan la dhammays tirin ayaa lagu wareejiyay Ukraine kaddibna waxay kasii iibiyeen Shiinaha si uu ugu beddelo casino. Balse markii Shiinuhu uu helay markabka, waxa uu dhamaystiray dhismihiisa isagoo u bixiyey markabka Liaoning. Markabka ayaa markii hore la rabey inuu noqdo mid ka mid ah maraakiibta ugu muhiimsan USSR ama Soofiyeedkii. ” ayuu yiri.
Waxa kale oo uu soo jeediyey in Dowladda Ruushku ay marka ay soo iibsato markabka ay u bixiso magaca Vladimir Zhirinovsky, oo ah aasaasihii xisbigan xag-jirka ah oo dhintay sannadkii hore.
Zhirinovsky wuxuu ahaa siyaasi aad xagjir u ah oo Vladimir Putin la wadaaga nacaybka Ukraine iyo dalal kale oo hore uga tirsanaan jirey Soofiyeedka qaarkood.
Hadalsame Media