”Waxaan xitaa isku dayey inaan is dilo” – Wiil ka sheekeeyey xaalad nafsi ah oo xanuun badan oo ay dad badani la qabaan (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 11 Jan 2023 – Xanuunka welwelka oo afka qalaad lagu dhaho “depression” waa mid caan ka ah dunida oo dad badan ay la dhibaatoodaan. Dadka uu faraha ba’an ku hayo waxaa ka mid ah Soomaali badan oo isugu jira kuwo qirbo jog ah iyo qaar dalka gudihiisa ku sugan.

Dadka uu cudurkan halista ah meel aad u fog la gaaray balse ka badbaaday waxaa ka mid ah Cabdiwahaab Axmed Cali, oo ah qoraa Soomaali ah oo ku nool magaalada Muqdisho.

Cabdiwahaab Axmed Cali waxa uu BBC-da u sheegay in uu gaaray heer uu go’aansaday in uu noloshiisa soo afjaro gabi ahaanba.

Qoraal uu ka sameeyay marxaladihii xilligaas soo maray noloshiisa ayu uku sheegay in uu ciriiri badan dareemay.

“Dhammaadkii sannadkii 2018, wax kasta oo agteyda qiimo ku lahaa waa ay macno beeleen. Waxa aan lumiyay hamiyadii laabteyda gubi jiray, riyooyinkii aan naawilayay iyo rajooyinkii aan la noolaa,” ayuu ku yiri qormadiisa.

Waxa uu sheegay in uu isu arkayay “qof aysan naf ku jirin oo qolof ah”.

Waqtigaas ka hor ayuu joojiyay waxbarashadii Jaamacadda ee uu aadka u jeclaa, waxa uuna isaga tagay shaqadiisii isagoo aan shaqo kale meel ku ogeyn.

“Waxaan damcay inaan is dilo”

Cabdiwahaab Axmed Cali
Qoraalka sawirka, Cabdiwahaab Axmed Cali

Laakiin tii ugu darneyd waxay ahayd markii uu go’aan ku gaaray in uu isdilo.

“Markii aan rabitaanka lumiyay, hurdo isa seegnay, cunto iyo salaadna kala baadnay, waxaa sii dhammaanayay rejadii aan ka qabay nolosha,” ayuu yiri.

Isagoo sharraxaya sida ay niyaddiisa ugu qancisay inuu isdaldalo ayuu yiri: “Waxaa laabteyda isa soo taray dareenno xanuun badan iyo fariimo sida dhambaal ah [oo I oranaya] ‘waxaa la gaaray waqtigii aad is dhaafin lahayd ciriirigan ku daashaday ee kuu diiday deggenaashiyaha iyo xasiloonida, waxaa la gaaray wakhtigii aad is dili lahayd”.

In muddo ah ayu uku mashquulsanaa qorsheynta qaabkii uu isu dili lahaa, sida uu ku sheegay qormadiisa.

“Maalinba tan ka dambeysa dareenka isdilidda waxaa uu igu ahaa wax aad uga mid ah maalinlahayga. Mar waxa aan ka fekeraa kawarran haddii aan gaari xawaareynaya aan iska tuuro?”

Ka hor inta uusan ku fikirin in uu isdilo waxa uu ka fogaaday dhammaan dadkii ay is yaqaanneen iyo bulshada inteeda kaleba.

Qoraalka Codka,Cabdiwahaab waxa uu ku dhawaaday inuu isdilo ka dib markii uu ku dhacay xanuunka welwelka

Waxyaabaha kale ee lasoo gudboonaaday waxaa ka mid ahayd in uu telefoonkiisa gacanta nacay, mashquul dhanka naftiisa ahna uu muddo dheer ku jiray.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuuse wax badan ka faa’iiday la tashi uu keligiis isla sameeyay oo uu su’aalo badan ku weydiiyay naftiisa, ilaa uu is canaantay oo go’aanka keliya ee u soo baxay uu noqday mid wax ku ool ah oo ku dhiirrigelinaya in uu ka baxo xaaladda u uku jiro.

“Su’aalaha aan isweydiinayay markii aan xaaaddaas gaaray ayaan ka dhex helay sababo ay tahay inaan u noolaado, meeshaas ayaana ka billaabay kabashadeydii,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay BBC-da.

Ugu dambeyntii waxa uu kusoo kabsaday dadaal dheer oo uu naftiisa la galay, isagoo isku khasbay inuu ugu horreyn toosiyo xiriirka kala dhaxeeya Alle.

Muddo afar sano ah ayuu la noolaa xaalad isku buuqsanaan ah oo marxalado kala duwan lasoo martay.

Qodobbada u uku guuleystay si uu uga gudbo nolosha adag iyo welwelka ayaa kala ah;

  • Soo celinta iyo hagaajinta xiriirka Alle
  • Qoridda tabashooyinka
  • Dejinta hadafka
  • Joojinta dhaleeceynta nafta
  • Toosinta jadwalka hurdada
  • Barashada iyo daraaseynta naftaada

Calaamadaha lagu garto qulubka

qulubka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Dr Cismaan Cali Gaboose oo ka hawl gala isbitaalka Kenyatta National Hospital ee magaalada Nairobi oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay kala duwan yihiin calaamadaha lagu garto qulubka, iyadoo loo eegayo heerkiisa.

“Waxaa calaamadaha ka mid ah inuu qofku murugo dareemo, inuu xanaaq dareemo, ama mashaakil ay ku furan yihiin, qaarkood farxaddii nolosha ayaa ka lunta, hurdo badan iyo hurdo la’aan iyo cunto yaraan,”

Tan ugu daran ayuu dhaqtarku sheegay inay tahay in qofku uu ku fekero inuu naftiisa dilo.

Waxyaabaha sababa qulubka ayuu Dr Gaboose sheegay inay ka mid yihiin dhibaato qofka la soo derista noloshiisa amaba mid la xiriirta hiddo-sidaha qofka.

Dhaqtarka ayaa intaas ku taliyay in qofka uu raadsado daryeel caafimaad, maaddaama uu naftiisa halis gelinayo.

“Ma habboona in qofka lagu daryeelo meelaha aan isbitaallada ahayn, waxaa laga yaabaa in qofku uu naftiisa khatar geliyo amaba uu meesha gaarsiiyo. Meelaha lagu xannaaneeyo waa meelo loogu talogalay oo loo qaabeeyay in lagu hayo laguna daweeyo dadka qaba qlubka.” Ayuu yiri dhaqtarka.

BBC

Hadalsame Media