Gudaha guriga Afar-xilliyeedka ah ee uu haatan deggan yahay Cristiano Ronaldo + Sawirro

0

(Riyaad) 08 Jan 2023 – Jookarka Cristiano Ronaldo ayaan waqti badan ku lumin inuu guri cajiib ah u helo qoyskiisa kaasoo leh muuqaallo iyo adeego dabaqadda koowaad ah, sida MailOnline uu daaha ka qaaday.

Weeraryahanka, oo ay u dhaqaaqitaankiisa Saudi Arabia ay usbuucii hore ka dhigtay milyaneer sare, ayaa hoy ka dhigtay guri siinaya muuqaalka ugu wanaagsan caasimadda Sucuudiga.

Xiddiggii hore ee  Manchester United oo haatan ka tirsan naadiga Al-Nassr ee ka dheesha Horyaalka Saudi Pro League isaga oo isu gayn ahaan marka wax kasta la isku daro kooxdaa ugu kacay lacag ku dhow nus bilyan Doollar ama £400m oo gini, waxa uuna beryahan degannaa Kingdom Tower, oo ah mid ka mid ah dhismayaasha ugu dhaadheer dalkaasi islamarkaana Four Seasons ah.

Waxa la dejiyay mid ka mid ah qolalka ugu fiican ee suite-ka leh iyadoo loo banneeyey laba dabaq oo guud ahaan ka kooban 17 qol oo waawayn oo ay haatan degan yihiin qoyskiisa, asxaabtiisa iyo ilaaladiisu.

Qiimaha ku baxaya lama shaacin oo gaar ayaa laga dhigay, balse Laakin qaybaha ugu yar dabaqan ee leh waxa loo yaqaan ‘Presidential Suite’ waxa lagu qabsan karaa £3300 oo gini halkii habeen.

Qaybta Ronie deggan yahay waxaa bishii lagu qiyaasay wax ka badan rubuc milyan Doollar ama £250,000 oo gini.

Hadalsame Media