Maamulka Somaliland oo hadda muujiyey qorshaha uu doonayo inuu ku wajaho xasaradda Laascaanood

0

(Laascaanood) 07 Jan 2023 – Waxaa magaalada Laascaanood weli ka taagan ismariwaa ka dhashay bannaanbax rabshado wata oo xigey dil halkaa ka dhacay dabayaaqadii bishii Diseembar loo gaystey Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ay ka horreeyeen kuwo kale.

Ugu dambayn Ciidamada Ammaanka Somaliland ayaa dibedda uga baxay magaalada Laascaanood waxaana halkaa galay dad maxalli ah oo hubaysan oo ku doodaya in Somaliland ay iskaga baxdo gobolka Sool guud ahaan.

Yeelkeede, waxaa la is waydiinayey tillaabada xigi doonta, haatan se waxaa muuqata siyaasadda uu MW Somaliland ee Muuse Biixi doonayo inuu ku wajaho xiisaddan taagan ee xalka u baahan.

Taliska Ciidanka Xoogga Somaliland ugu qaybsan magaalada Laascaanood ayaa soo saaray digniin culus. Sarreeye Guuto Mahad Cambaashe oo ah Taliyaha Xoogga Somaliland ayaa u digey dad uu sheegay inay qas ka wadaan gudaha magaalada Laascaanood, wuxuuna tilmaamay in ay kahortegi doonaan dadkaasi isagoo ballanqaaday inay markale soo gelayaan gudaha magaalada.

“Karin walba waxa kasoo dhacay nin leh, Laascaanood waa la qabsaday oo dhaxalkii aabaha ayaa lagu qaybsanayaaye ina gaadhsiiya … kuwa in aanu dunno raba, iyo kuwa dhismahayaga iyo magaaladayada ka xun, intaba waxan leeyahay, ciidankii qaranku ma bixin, bixina maayo” ayuu yiri ninkani oo ku dooday in Somaliland ay waqti badan gelisay amniga Laascaanood, tan iyo wixii ka dambeeyey 2007-dii oo ay magaaladan qabsadeen.

“Laascaanood anaga ayaa joogna waa u talinnay, waxaanu ugu talinaynana nin waliba waa arkaa, 2007-dii markii aanu soo galnay ee nidaamka Somaliland ee barakaysani noo yimid Dhulbahante ma wada-hadlayn, xabada iyo maydkuna waa nagu badnaa, reer waliba reer hebel ayuu ku duuli jirey.” ayuu raaciyey Mahad Cambaashe.

Hadalkan Cambaashe ayaa u muuqda mid ka tarjumaya qorshaha ay hoggaanka Somaliland doonayaan inay ku wajahaan xiisadda ka aloosan halkaasi taasoo xitaa laga dhadhan karayey hadalkii Muuse Biixi laftiisa, iyadoo ay haatan ciidamada Somaliland ku sugan yihiin duleedka Laacaanood, islamarkaana sugaya amarka Hargaysa.

Waxaa haatan duleedka Laascaanood gaarey Wasiir Gudeedka Maamulka Somaliland, Maxamed Kaahin.

Hadalsame Media