Ronaldo oo VIP-da ka daawanayey kulan la filayey inuu safto & Kaambiyadii dambe oo mar qura la waayey (Daawo)

0

(Riyaad) 06 Jan 2023 – Cristiano Ronaldo ayaa sanduuqa VIP-da ka daawanayey ciyaartii ay Al-Nassr 2-0 ku badisay kulankoodii ugu horreeyey tan iyo markii uu Ronaldo si rasmi ah ugu biiray – laakiin waxa uu garoonka ka baxay waqtigii nasashada.

Ruug-cadaaga reer Portugal, oo 37-jir ah, waxa uu si bilaash ah ugu wareegay dhinaca Sucuudiga dabayaaqadii Diseembar kaddib markii qandaraaskiisii Manchester United la fasaqay markii uu waraysi qarxis ahaa siiyey Piers Morgan.

Ronaldo, oo aan weli ciyaari karin kulankiisii ugu horreeyey Jimcahan oo ay Al-Nassr wajahdey Al-Ta’ee sababo ganaax iyo diwaangelin la xiriira, ayaa daawanayey 45 daqiiqo markii ay saaxiibadiisa cusub ay xaqiijisteen saddexda dhibcood kulankii garoonka King Saud University Stadium si ay afar dhibcood hoggaanka horyaalka Saudi Pro League ugu qabtaan.

Muuqaal baraha bulshada qaybta af Ingiriisiga ee Twitter-ka Al-Nassr lasoo dhigay ayaa muujinaya goolkii labaad ee ay dhaliyeen, iyadoo uu goolhayihii hore ee Arsenal, David Ospina, uu tuuryo dheer ku hubsaday cagta weeraryahankii reer Brazil ee Talisca, kaasoo si xarrago leh u dhamaystiray kubadda.

Lama sheegin halka uu aadey iyo sababta uu kaambiyadii dambe u maqnaaday Ronaldo oo ay 28,000 oo garoonka joogey ay magaciisa ku heesayeen.

Hadalsame Media