Messi & Ronaldo oo markale la isu ballamiyey (Goorta & goobta ay ku wada ciyaarayaan?)

0

(Riyaad) 06 Jan 2023 – “Hello, anigu waxaan ahay Marcelo Gallardo, waxaana rabaa in aan kuu sheego in 19-ka Janaayo aan agaasimi doonno Koob ka dhacaya Riyaad kaas oo ay ka qaybgeli doonaan ciyaartooyda kooxaha Al Hilal, Al Nassr iyo Paris St. Germain.” ayuu yiri.

Ciyaartan ayaa lagu wadaa inay dhacdo 19-ka bishan Janaayo, iyadoo kooxuhu ay ku tartamayaan koob loo bixiyey Koobka Xilliyeedka Riyaad ama Riyadh Season Cup.

Weeraryahankii hore ee Manchester United ee Ronaldo ayaa xaq u yeelan doona inuu ciyaaro kulankan maadaama uu saxiixay heshiis labo sano iyo bar ah isbuucaan si uu ugu safto kooxda Al-Nassr, waxaana uu durba tababarka la bilaabay saaxiibadiisa cusub.

Haddaba tababarihii hore ee River Plate ayaa muuqaal kooban oo uu soo duubay ku shaaciyey ciyaartan saaxiibtinimo ee ka dhici doonta Sucuudiga taasoo markale dib u shidi doonta xafiiltankii kululaa ee Cristiano Ronaldo iyo Messi, kuwaasoo aan is arag sanadihii yaraa ee dambe.

Hadalsame Media