Laacibka qura ee xalay soo jiitey taageerayaasha Chelsea waa mid aysan lahayn (Daawo wacdaraha uu dhigay)

0

(London) 06 Jan 2023 – Taageerayaasha Chelsea ayaa ku boorriyay kooxdooda inay si rigli ah ula soo wareegaan Denis Zakaria kaddib markii uu soo bandhigay xirfad aad loola dhacay kulankii ay kooxdiisa ay guuldarrada 1-0 kasoo gaartay Manchester City Khamiistii.

Xilli ay kooxda Graham Potter ay raadinayeen goolkii barbarraha ee aan la helin, ayuu Zakaria waxa uu is arkay isagoo ay ku hareeraysan yihiin laba ciyaartoy oo City ah, laakiin waxa u suurtagashay in uu ka baxsado xaaladdii qallafsananayd ee uu ku jiray weliba si indho-qabad leh oo qurux miiran ah.

Kaddib markii uu baas hal-labo ah oo deg deg ah la ciyaaray Mateo Kovacic, Zakaria waxaa soo ciriiriyey Ilkay Gundogan iyo Kevin De Bruyne.

Balse wuxuu uga dhex baxay si xallad leh isaga oo cag wareejin iyo goysmo iskugu walaaqay kahor inta uusan baas si wanaagsan u shiishan uusan u dirin dadabka bidix.

Xirfaddiisaas xariirta ah ee quruxda badan ee uu muujiyey daqiiqadii 88-aad ayaa keentay in taageerayaashu ay Chelsea ka dalbadaan inay bixiso lacagta ay Juventus doonayso oo ah £30milyan oo ginni si ay si joogto ah ula wareegto marka uu heshiiska amaahda ihu dhamaado xagaaga soo aadan.

Hadalsame Media