QUBUURO JOOG AH: Maydka Pele oo loo aasayo qaab naadir ah (Ma malayn kartid halka loo jeedin doono)

0

(São Paulo) 03 Jan 2023 – Halyeeygii kubadda cagta ee Edson Arantes do Nascimento Pele ayaa lagu aasi doonaa qubuuraha joogga ah ee loo yaqaan Memorial Necrópole Ecumênica maanta oo ah 3-da Janaayo.

Qubuuraha Memorial Necropole Ecumenica, oo ku yaal Santos, waa 14 dabaq oo dhaadheer oo ah qabuuro gaar ah, oo ku fadhiya dhul dhan 1.8 acres. Waxaa uu dhismahani ka kooban tahay ilaa 16,000 oo qabri.

Xaflad gaar ah oo la qabanayo waxaa ka soo qaybgeli doona kaliya qoyska Pele, waxaana maydkiisa la dhigi doonaa dabaqa 9-aad ee qabuurahan joogga ah si loogu maamuuso aabihiis, kaasoo xiran jirey lambar 9 intii uu ku guda jirey xirfaddiisa kubada cagta.

Waxa loo jeedin doonaa dhanka garoonka Santos oo ah halkii uu caanka ku noqday.

Hadalsame Media