”Naarta gal dibna hannoogu soo noqon!” – Enzo Fernandez oo ay markan khasab tahay inuu tago (Maxaa dhacay?)

0

(Lisbon) 03 Jan 2023 – Taageerayaasha kooxda Benfica ayaa aad ugu caroodey xiddiga khadka dhexe ee Enzo Fernandez kaddib markii lasoo sawiray isaga oo ka qaybgelaya xaflad sanadka cusub ah oo ka dhacday Argentina xilli la sheegay inuu seegay tababarka kooxda.

Taageerayaasha ayaa xiddigan aadka loogu baahan yahay kaddib bandhiggiisii Koobka Addduunka u sheegaya in uu ”cadaabta galo dibna uusan ugu soo laaban naadiga Benfica”, iyaga oo kooxda ugu baaqay inay ka iibiyaan kooxda chelsea.

Enzo Fernandez ayaa si wayn loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqayo Chelsea kaddib wacdarihiisii Argentina ee Qadar.

Waxa uu horay uga caraysiiyey naadigiisa isaga oo diidey amarro ahaa inaanu dib ugu duulin Argentina waxana uu hadda ka caraysiiyey taageerayaashiisa, taasoo ka dhigan in xaalku uu joogo meel aan waxba laga qaban karin.

Sportsmail ayaa daaha ka qaaday todobaadkan in Blues ay diyaar u tahay inay ku bixiso £112milyan oo ginni saxiixiisa – taasoo £6m ka badan qiimaha lagu fasiqi karo heshiiskiisa – si ay uga dheereeyaan kooxaha ay xafiiltamaan, iyadoo lacagta lagu bixin doono saddex qaybood sanadkii kuwaasoo ah £37.3m oo gini markiiba.

Hadalsame Media