Macallinka Al-Nassri oo durba sheegay hadal ka caraysiinaya Ronaldo xilli uu maanta ka degayo Riyaad (Daawo)

0

(Riyaad) 02 Jan 2023 – Jookarka Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa inuu safto kulankiisii ugu horreeyey ee kooxdiisa Al Nassr usbuucan kaddib heshiiskii rikoor jebiska ahaa ee uu £175m oo gini ku qaadanayo sanadkii, iyadoo weeraryahanka la sheegay inuu maanta u duulay Saudi Arabia kahor inta uusan tijaabada caafimaadka u marin kooxdiisa.

Rudi Garcia ayaa wajihi doona kooxda Al Ta’ee oo uu kula ciyaarayo guriga Horyaalka Sucuudiga ee Saudi Pro League Khamiista, waxaana uu jeclaan lahaa in xiddigooda cusub ee reer Portugal uu daqiiqado muhim ah ka ciyaaro kahor kulanka adag ee ay ku wajahayaan Al Shabab Sabtiga soo socda.

MESSI AYAAN DOONAYEY? Tababaraha cusub ee Cristiano Ronaldo ayaase durba u muuqda mid ka caraysiinaya xiddigga kaddib markii uu isaga oo qoslaya saxaafadda u sheegay inuu markii hore doonayey inuu la soo saxiixdo Lionel Messi kaddib bandhiggiisii geesinnimada lahaa ee Koobka Adduunka.

Macallinka Al-Nassr ee Rudi Garcia ayaa wax laga waydiiyey imaatinka Ronaldo ee Saudi Arabia kaddib markii uu saxiixay heshiis indho-sarcaad ah oo uu sanadkii ku qaadanayo £175 milyan oo ginni.

Wuxuu ku jawaabey: ‘Marka hore waxaan isku dayey inaan soo qaato Messi’ kahor inta aanu qosol wayn la dhicin.

Sida la ogsoon yahay, Ronaldo aad uguma faraxsanaan doono in lagu tiriyo inuu yahay nin ka hooseeya xiddigga reer Argentina laakiin aan rajayno in aanay keenin khilaaf hor leh marka uu yimaado Al-Nassr wixii maanta oo Isniin ah ka bilowda.

Hadalsame Media