”War isoo waca!” – Koox uu Ronaldo ilaa shalay daqiiqaddii ugu dambaysey uu sugayey oo la shaaciyey

0

(Hadalsame) 31 Dis 2022Laacibka Ronaldo ayaa xalaytoole si rasmi ah loo shaaciyey inuu ugu dambayn ku biirayo kooxda reer Sucuudi ee ka dhisan caasimadda Riyaad ee dalkaasi.

Yeelkeede, Cristiano Ronaldo ayaa ‘wuxuu sugayey wax gacan haatis ah oo kaga yimaada dhanka Real Madrid kaasoo aan weligiis imaan’ kahor inta uusan ugu dambayn heshiiska u saxiixin kooxda Saudi Arabia ee Al Nassr

37-jirkan weerarka uga ciyaara Portugal, oo xor ahaa tan iyo markii si uu raalli ka yahay laoo fasaqay qandaraaskiisii Manchester United bishii hore, ayaa ogolaaday heshiis £175 milyan oo gini ah sanadkii.

Ronaldo waxa uu tababar ku qaadaney saldhigga ay Real leedahay ee Valdebebas si uu heerkiisa jireed u dhiso oo uu diyaar u ahaado tan iyo markii ay Portugal ay ku hartay wareega 8-da ee Koobka Adduunka.

Sida laga soo xigtey wargyska Isbaanishka ee Marca, Ronaldo ayaa rajaynayey in Real ay qaadan karto markii labaad si uu waayihiisa halkaas ugu dhamaysto.

Ronaldo waa nin halyeey ka ah Bernabeu, isagoo Real u dhaliyey 450 gool 438 kulan oo uu u saftay sagaal xilli ciyaareed oo uu halkaa harsanayey si uu uga caawiyo inay ku guulaystaan ​​4 koob oo Champions League ah.

Hadalsame Media