”Ma ihi nooca Dubai ka ciyaara” – Ronaldo oo uu kasoo baxay NABSIGA kelmad laqwi ah oo uu sheegay 8 sano kahor (Daawo)

0

(Hadalsame) 31 Dis 2022 – Cristiano Ronaldo ayaa xalay si rasmi ah ugu biiray kooxda Al-Nassri ee dalkaasi Sucuudiga, balse Ronie ayaa horay u sheegay in uu doonayo in uu mustaqbalkiisa kusoo gabagabeeyo ”si sharaf leh” oo aanu ka ciyaarin “Maraykanka, Qadar ama Dubai”.

Xiddiggii hore ee Real Madrid iyo xulka Portugal, ayaa warkan ka sheegay magaalada London 13 Nofeembar 2015-kii, markaasoo uu waraysi siiyey Barnaamijka The Jonathan Ross Show ee ITV.

Wuxuu xilligaa oo uu 31 jir ahaa ballanqaaday inuu filayo inuu sii ciyaaro lix ama toddobo xilli ciyaareed oo kale, uuna rajaynayo inuu xirfaddiisa ku dhammeeyo heerka ugu sarreeya.

“Taas micnaheedu maaha inay xun tahay in laga ciyaaro horyaallada Maraykanka, Qadar ama Dubai, laakiin anigu halkaas iskuma arko.” ayuu xilligaa si kibir hadal ah u yiri Ronaldo oo haatan ku sugan magaalo aan xitaa u shidnayn sida Dubai.

Waxaa xiddigaha meelahaa ka ciyaaray ka mid ah: Didier Drogba, Steven Gerrard, Frank Lampard, Andrea Pirlo and David Villa, iyo Xavi, oo usoo ciyaaray naasiga Qadariga ah ee Al Sadd.

Hadalsame Media