(Riyaad) 27 Dis 2022 – MadaxwAynaha Al-Nassr, Musli Al-Mucamar ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in Cristiano Ronaldo uu qarka u saaran yahay inuu dhamAystiro heshiiskiisII ugu waynaa oo ku kacaya £173 milyan ginni si uu ugu biiro kooxdan Sacuudiga ah, isagoo ku adkaystay in wararka kasoo baxaya Spain ay ‘inta badan been yihiin’.
Wargayska Isbaanishka ee Marca ayaa soo werinayey in Ronaldo uu ku sii dhowaanayo soo afjaridda heshiis uu lacag badan uga qaadanayo Bariga Dhexe kaddib markii la fasaqay qandaraaskiisii Manchester United bishii hore oo uu waraysi qarxis ahaa uu la yeeshay Piers Morgan – halkaasoo uu ku dhaleeceeyey kooxda iyo tababare Erik ten Hag.
CBS Sports ayaa sidoo kale sheegay Isniintii in laacibkan qawaarka ihi uu tijaabada caafimaadka u marayo Al-Nassr, iyo in kooxda Sacuudiga ihi ay kalsooni ku qabto inuu dooran doono iyaga si uu ugu biiro.
Si kastaba ha ahaatee, xilli ay soo baxayeen wararka sheegaya in Ronaldo uu u dhaqaaqayo kooxdaasi, misna Al-Mucammar waxa uu leeyahay in warbixinnada lagu qoray warqaadyada Spain ay ahaayeen ‘inta badan been’.
“[Wararka ku saabsan] Ronaldo sax ma ahan oo inta badan waxa lagu qoray warbaahinta [isbaanishku] waa been’, ayuu Al-Mucammar yiri kaddib markii Al-Nassr ay barbaro 2-2 la gashay Al Hilal, sida uu wariyay A Bola.
Ronaldo ayaa lagu wadey inuu $75m oo Doollar (£62m) sanadkii ka qaato kooxda Al-Nassr, halka xuquuqda sawirka iyo taageerooyin kale ay lacagta gaarsiin karaan inay kor u kacdo ilaa £173m sanadkii.
Sidoo kale waxaa la sheegayey inuu noqonayo xiddiga ugu wayn ee abid soo mara kubada cagta Saudi Arabia, iyo in Ronaldo uu door wayn ku yeelanayo inuu u ololeeyo sidii uu Sucuudigu u martigelin lahaa 2030 FIFA World Cup.
Hadalsame Media