“Beerka ayuu ka dhiig baxayey!” – Xiddig caan ah oo u dheeli jirey Juventus oo si naxdin leh u geeriyoodey

0

(Montevideo) 25 Dis 2022 – Xidigii hore ee khadka dhexe ee Xulka Qaranka Uruguay ee Fabian O’Neill oo u soo ciyaaray kooxaha Cagliari iyo Nacional ayaa geeriyoodey isaga oo 49 jir ah, sida uu sheegay Xiriirka Kubbada Cagta Uruguay.

Fabian O’Neill, oo ku sugnaa Cagliari, Juventus iyo Perugia min 1995 ilaa 2002 oo iminka ahaa 49-jir ayaa waxaa uu la hardamayey daroogo iyo aalkolo iyadoo lagu dawaynayey Montevideo, caasimadda Uruguay, sida uu werinayo warqaadka maxalliga ah ee El Pais oo xiganaya Alberto Kesman.

ESPN ayaa ku warrantay in O’Neill la dhigay isbitaal Sabtidii shalaytoole isagoo koomo ku jira oo uu dhiig baxaya sababo la xiriira bugto beerka ah oo ku daba dheeraatay.

Ninkan oo ahaan jirey ciyaaryahan khadka dhexe ah ayaa 19 kulan u saftay Xulka Uruguay, waxaana uu qayb ka ahaa Koobkii Adduunka ee 2002 lagu wada qantay South Korea iyo Japan, inkastoo uusan ciyaarin.

Hadalsame Average