FIFA & UEFA oo xaqdarradii ay Ukraine kula heshiiyeen durba eeday (Zelensky & Shevchenko oo lagu dheggan yahay + Digniin)

0

(Nyon) 20 Dis 2022– FIFA iyo UEFA ayaa ku hanjabaya inay eryi doonaan Xiriirka Kubadda Cagta Ukraine haddii uu kusii socdo qorshaha lagu bedelayo gudoomiyihii lagu eedeeyay wax isdaba marinta oo lagu bedeli rabo ciyaaryahankii hore ee Andriy Shevchenko.

Dabayaaqadii bishii Nofeembar, Andriy Pavelko, oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Ukraine (UAF), ayaa la xirey isaga oo looga shakiyey inuu lunsaday dhaqaalaha xiriirka.

Waxaa lagu eedeeyey in uu si khaldan u isticmaalay dhaqaalihii loogu talagalay in lagu dhiso wershad samaysa garoomada macmalka ah ee kubadda. Pavelko taa waa beeniyey.

Enligt sajten Inside the games har UAF kallat till en extrakongress på tisdagen för att ersätta Pavelko och Sjevtjenko föreslås som ersättare.

Sida laga soo xigtey warbixin soo baxday, Xiriirka UAF ee Ukraine ayaa waxay ku baaqeen shir aan caadi ahayn Talaadadan si loo beddelo Pavelko iyadoo booskiisa la keenayo Shevchenko.

Laamaha amniga oo laga shakiyay.

Guddoomiye Xigeenka Xiriirka ee Oleg Protasov ayaa Facebook kusoo qoray in Xiriidhka Kubbada Cagta Adduunka ee FIFA iyo dhiggiisa Yurub ee UEFA ay ka cabsi qabaan in UAF ay ku dhaqmaan cadaadis kaga imanayey Waaxda Amaanka ee dalkaasi, gaar ahaan Nabad Sugidda.

Protasov skriver på Facebook att han misstänker en omstörtande grupp och någon på justitiedepartementet för att ligga bakom försöket att byta ordförande.

“Waxaan rabnaa in aan xasuusinno xiriirka Ulraine si ay u maareeyaan arrimahooda iyada oo aanu cadaadis uga imanaynin dhinacyo saddexaad. Ku xad-gudbidda taasi waxay horseedi kartaa in laga saaro tartamada caalamiga ah,” ayay doo qoreen FIFA iyo UEFA.

Protasov ayaa qoraalka Facebook ku xusay in uu tuhunsan yahay koox “qaran dumis ah” iyo dad ka tirsan Waaxda Caddaaladdu ay ka dambeeyaan sku dayga lagu beddelayo guddoomiyaha haatan.

“Waa maxay wadaniyiinta isku dayaya inay sabab u noqdaan in Xulka Ukraine iyo kooxaha Ukraine laga cayriyo ciyaaraha Yurub iyo tartamada caalamiga ah. Waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo in kooxaheennu ay sii jiraan waqtiyadan adag, kaalmada UEFA oo gacan ka gaysatey darteed,” ayuu raaciyey.

Arrintan ayaa waxaa ka dambeeya MW Ukraine oo horay ugu ololeeyey in Ruushka iyo Belarus iyo kooxohooda laga cayriyo tartamada caalamiga ah kaddib dagaalka Ukraine, taasoo diidaysa xeerarka xiriirrada FIFA & UEFA.

Hadalsame Media