Laba xadgudub oo ay xilligii dabbaaldegga xalay sameeyeen Xulka Argentina (Daawo)

0

(Dooxa) 18 Dis 2022 – Xulka Argentina ee Latin America, ayaa xalay ku guulaystey Koobkii Adduunka markii ay Argentina rigoorayaal kaga badisay France.

Yeelkeede, intii lagu jirey dabbaaldegga oo dabcan dalkaa oo aan tan iyo 86-kii arkin ama urin Koobka Adduunka, ayaa waxaa dhacay waxyaabo lagu tilmaamay inay dhinac marsan yihiin ciyaar wanaagga iyo anshaxa suubban.

Marka koowaad goolhaye Emiliano Martinez, oo 30-jir ah, ayaa markii la siiyey abaalmarinta Qabtihii ugu wanaagsanaa tartanka, oo ay qaar badan oo ciyaaraha u dhuun daloolaa qabaan inuu uga qalmey Goolwale Bono oo Morocco u qabta, ayaa gacma-gashigii dahabiga ahaa ee la siiyey si anshax darrro ah ugu adeegsadey inuu ku shito kooxdii iyo taageerayaashii kasoo horjeedey iyo dabcan intii daawanaysey, isagoo sidoo kale waxyaabo dhaqdhaqaaqyo ah samaynayey xilligii rigoorayaasha.

Intaa kuma ekaane wuxuu markale agaasimey in la maago jookarka da’da yar ee Kylian Mbappé, 23-jir, kaasoo xalay u muuqdey kaligii la ciyaaray Xulka Argentina oo uu seddaxleey ka xareeyey.

Xulka Argies ayaa Kylian Mbappé u qabtay wax ay ku sheegeen ”hal daqiiqo oo aamus ah”, taasoo ay dhaqamada qaarkood ku maamusaan dadka dhintayqo oo 23 jir ah, ayaa lagu majaajilooday dabaaldegii xulka qaranka Argentina.

Colaaddd Kylian Mbappé iyo koonfurta Ameerika ayaa salka ku haysa waxyaabo ka dhacay garoonka dibeddiisa kaddib markii uu 23-jirkani tilmaamay in kubbadda cagta Koonfurta Ameerika “aanay u horumarsanayn sida tan Yurub”.

Hadalsame Media