Laba Ronaldo oo laba mowqif oo kala duwan ka istaagey u hambalyaynta Leo Messi

0

(Hadalsame) 18 Dis 2022 – Halyayga reer Brazil ee Ronaldo Luiz Nazzario ayaa amaanay Lionel Messi kaddib markii uu ugu dambayn ku guulaystey Koobkii Adduunka markii ay Argentina rigoorayaal kaga badisay France.

”Kubadda cagtu waa ka wayn tahay xafiiltanka. Waxaan arkay dad badan oo reer Brazil ah – iyo dad ka kala yimid adduunka oo dhan – oo taageersanaa Messi final-kii tartankan,” ayuu Ronaldo kusoo qoray Twitter-ka.

“Waa sagootinta u qalanta qof cabqari ah, si ka fog inuu yahay xiddigga Koobka Adduunka, ee dalkiisa kabtan u ahaa xilli. ‘Hambalyo Messi!’ ayuu raaciyey farriintiisa.

Yeelkeede, Cristiano Ronaldo, oo ah ninka loogu raacdidda badan yahay adduunka, ayaa ka aamusay oo afkiisa xirtey kaddib markii uu Lionel Messi ka caawiyey Argentina inay ku guulaysato Koobka Adduunka 2022 Axaddii shalay.

Hadalsame Media