MW Faransiiska oo Benzema ku casuumey final-ka Koobka Adduunka (Jawaabta Benzema)

0

(Dooxa) 17 Dis 2022 – Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa doonaya in qaar ka mid ah ciyaartoyda xulka qaranka ee dhaawacan uu u kexeeyo final-ka Koobka Adduunka galabnimada Axadda.

Ciyaartooydaasi oo ay ka mid yihiin Karim BenzemaPaul Pogba  iyo N’Golo Kante ayaa dhamaantood seegay ololihii quruxda badnaa ee Les Bleus ee Koobka Adduunka sababo la xiriira dhaawacyo soo gaarey todobaadyadii lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, Macron ayaa doonaya in ciyaartoydani ay qayb ka noqdaan hardanka ugu dambeeya isaga oo doonaya inuu keeno kulanka ugu dambeeya ee ay la ciyaarayaan Argentina berri.

Karim Benzema ayaa se diidey casuumaaddan uu u fidiyey Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron si uu uga qayb galo final-ka Koobka Adduunka, sida ay ilo wareedyo u sheegeen ESPN.

Lama shaacin mowqifka xiddigaha kale weli.

Hadalsame Media