RW Xamse oo shir ku qabtay qol ay Shabaabku go’aamo muhim ah kasoo saari jireen + Sawirro

0

(Hadalsame) 13 Dis 2022 – RW Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia, Xamse Cabdi Barre, ayaa shir ciidamada jiidda hore iyo Maamulka Hirshabeelle kula yeeshay Madaxtooyadii Shabaabka ee Gobollada Dhexe.

RW Xamse ayaa kulankan ku qabtay Villa Aadan Yabaal oo ay dadku barteen kaddib markii degmadaa laga saaray gacanta Al Shabaab oo ay ku jirtey tan iyo 2016-kii.

”Qolkan laftiisa, dad badan oo rayid ah oo aan waxba galabsan ayay Shabaabku ku dhex go’aamiyeen inay yimaadaan Muqdisho iyo meelo kale, si ay qoorta uga gooyaan kaddib diidmo ay ka muujiyeen ama si fudud inay cabsi geliyaan,” ayuu yiri MW hore ee Hirshabeelle Max’ed Cabdi Waare.

”Hadda wixii ka dambeeya waa inay cadaaladda dhabta ahi ay hirgashaa Insha Allaah.” ayuu raaciyey Waare.

Hadalsame Media