Laacib Messi dartii uu qiimihiisu hoos u “dhici” karo & Kooxda doonaysey (Daawo)

0

(Dooxa) 14 Dis 2022 – Laacibka Lionel Messi ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah oo dhanka weerarka ah markii ay soo qaadayeen weerarkii goolkii seddexaad ee Argentina.

Waxaana taa ku dhib mutay laacibka reer Croatia ee Josko Gvardiol – oo aad loo hadalhayo inuu bartilmaameed u yahay kooxda Premier League ka dheesha ee Chelsea.

Josko ayaa lagu tilmaamayaa inuu yahay mid ka mid ah daafacyada ugu da’da yar adduunka ee haatan soo baxaya, laakiin waxa uu ku ku warwareegsadey 35-jirka Messi kahor goolkii ugu dambeeyey ee Argentina’s guushii ay Croatia 3-0 direen.

Messi ayaa wuxuu saddex jeer oo isku hal weerar ah wuxuu maray Gvardiol dhinaca bidix ee garoonka, kahor inta aanu 20 jirka reer Croatia ku garaacin diilinta ganaaxa oo uu u kubadda u dhigay Julian Alvarez.

Kaasoo dhaliyey goolkiisii ​​labaad ee ciyaarta, iyo goolkii saddexaad ee Argentina, kaddib rigoore uu qaybtii hore dhaliyey isla Messi – kaasoo Gary Neville uu ku andacoodey inuu khalad ahaa.


Hadalsame Media