(Hadalsame) 11 Dis 2022 – MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa lagu dhaliilay qaabka uu ugu hambalyeeyey guusha Xulka Morocco oo xalay noqday dalkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah misna Carab ah ee gaara nus-dhamaadka Koobka Adduunka abid.
MW Erdoğan ayaa Twitter-ka soo dhigay farriin gaaban oo u qornayd inuu si ”kal iyo laab ah ugu hambalyaynayo xulka qaranka Morocco oo ah xulkii ugu ”horreeyay ee Afrikaan ah” ee gaara semi-finalka Koobka Aduunka, taasoo uu ugu hambalyeeyey dhamaan walaalaha Morocco.”
Yeelkeede, Carab badan oo og hardanka ay inta badan wadaan Carabtu ay ka dhexeeya Turkiga iyo Carabta ayaa weerar kusoo qaaday iyagoo u sheegaya inuu ka tegey sheegista magaca ”Carab”, balse Erdoğan qoraalkiisii waxba kama bedelin, iyadoo ay dad badani qabaan inaysan daruuri ahayn in Carab la sheego maadaama qaab qaaradeed loo ciyaaro koobkan.
Tusaale, haddii ay Haiti ku guulaysato Koobka CONCACAF ee Bartamaha iyo Woqooyiga Ameerika ma waxaa loo baahan yahay in la yiraahdo ”dalkii ugu horreeyey ee Ameerikaan ah misna Afrikaan ah?”
أهنئ من أعماق قلبي المنتخب المغربي الذي يعتبر أول فريق إفريقي يحقق إنجاز الوصول لدور نصف نهائي كأس العالم، كما أبارك لجميع أشقائنا المغاربة هذا الإنجاز. 🇲🇦🇹🇷
— رجب طيب أردوغان (@rterdogan_ar) December 10, 2022
MW hore ee Somalia, Maxamed Farmaajo, ayaa isna bartiisa Twitter soo dhigay dhambaal gaaban oo hambalyo ah oo ku aaddan guusha taariikhiga ah ee xulka Morocco, isagoo sida MW Turkiga aan soo hadal qaadin magac Carbeed.
Yeelkeede, waloow aan Farmaajo oo ay badiyaa Soomaalidu raacaan aan middaas lagu qabsan, dadka qaarkood ayaa u jeediyey dhaliilo ku aaddan inuusan u hambalyaynin guulihii ugu dambeeyey ee laga gaarayey dagaalka Shabaabka oo bilihii ugu dambeeyey dhulal badan laga saaray.
You have truly made us proud #Morocco. This victory is more than just qualifying beyond the Quaters. This is a testimony that Africa is rising & we are a force to be reckoned with. Felicitations for the history-making passage to the #FIFAWorldCup Semi-finals. Congratulations #Mar pic.twitter.com/KBfLN4A58G
— Mohamed Farmaajo (@M_Farmaajo) December 10, 2022
Morocco deserves every support and so is our fight against Al Shabaab and terrorism. If you can tweet this you can also tweet about supporting our heroes, you can tweet condemning Al Shabaab and terrorism. https://t.co/fxursrj3qo
— Aato (@AbdisalamAato) December 10, 2022
Hadalsame Media