Arrin uu shalay sameeyey Yuusuf Al Nasiiri oo aad loo buunbuunin lahaa haddii uu yahay Ronald ama Messi

0

(Dooxa) 11 Dis 2022 – Xulka Morocco ayaa taariikh culus oo ugub ah dhigay kaddib markii ay noqdeen dalkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah misna Carab ah oo heerka nus-dhamaadka Koobka Addduunka abid gaara.

Kulankaa waxaa lagu kala adkaaday gool uu madaxa ku dhaliyey laacibka Yuusuf Al Nasiiri dhamaadkii gelinkii hore ee ciyaarta.

Balse, goolkaa taariikhiga ah waxaa kale oo la socotey arrin kale oo aad loo qaadqaadi lahaa haddii uu samayn lahaa laacib ka mid ah qaarka la buunbuuniyo.

Al Nasiiri ayaa wuxuu boodey 2.78 Mitir taasoo ku dhow 3 M, balse arrintaa waxaa lagu eegay indho daaf leh oo inta badan saxaafaddu sooma qaadan midda Galbeedkuna waxayba diiradda saaraysey khaladaad garsoor iyo xumaanta Qadar.

Qiyaas haddii uu goolkaa dhalin lahaa Messi, Neymar ama Ronaldo midkood?

Tusaale, fasal-ciyaareedkii 2019-kii Ronaldo wuxuu Sampdoria ka dhaliyey teesto uu boodey 2.56 m aad baana loo qaadaa dhigay, balse middan oo 30 cm ku dhowaad ka dheer lama soo hadal qaadin.

Hadalsame Media