Ronaldo oo arrin aan inta badan looga baran sameeyey kaddib dhamaadkii ciyaarta (Daawo)

0

(Dooxa) 10 Dis 2022 – Xulka Morocco ayaa taariikh culus oo ugub ah dhigay kaddib markii ay noqdeen dalkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah misna Carab ah oo heerka nus-dhamaadka Koobka Addduunka abid gaara.

Ciyaartaasi waxaa ka fadhiyey qawaarka Portugal ee Cristiano Ronaldo kaasoo ay kaamarooyinku qabteen isagoo ilmaynaya kaddib markii ay Portugal ay ka hartay Koobka Adduunka 2022 iyadoo ay 1-0 ku garaacday Morocco wareega 8-da.

37-sano jirkan ayaa kasoo kacay kursiga kaydka daqiiqadii 51-aad ee ciyaarta isagoo bedelay Ruben Neves, jeer ay Portugal 1-0 ku hogaaminayaan Libaaxyada Atlas markii uu qaybtii hore ee ciyaarta gool madax ah u dhaliyey Youssef En-Nesyri.

Si kastaba, xiddiggii hore ee Manchester United ayaa awoodi waayey in uu dalkiisa kusoo celiyo ciyaarta, inkasta oo Portugal ay wax walba usoo tuurtay sidii ay ku heli lahayd goolka barbaraha.

Hadalsame Media