Laba dib u dhac oo istaraatiji ah oo ay Shabaabka u keenayso luminta Aadan Yabaal oo la sharraxay

0

(Muqdisho) 08 Dis 2022 – Waxaa dhowaan Shabaabka laga saaray Deg. Aadan Yabaal iyadoo lasoo bandhigay sawirrada ”madaxtooyo” ay halkaa Al-Shabaabku ku lahaayeen, taasoo hadal hayn xoog leh ka abuurtay baraha bulshada.

Madaxtooyadaan oo ah guri ay ku qoran tahay Villa Aadan Yabaal ayaa la sheegay inay deganaan jireen hoggaamiyeyaasha Al-Shabaabka, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin xubnaha ay saldhigga u ahayd xaruntaan misna waxaa arrintan ka muuqata muhiimadda maamul ee goobtan.

Max’ed Cabdi Waare, MW hore ee Hirshabeelle, ayaa haddaba sharraxay laba sababood oo uu ku ifinayo sida ay magaaladani istaraatiji ugu ahayd Shabaabka isagoo leh:

”Aadan Yabaal waxa laga yaabaa inaysan si wayn ugu muuqan khariidadda sawirrada millateriga caadiyan. Laakin AS, waxay u ahayd meel muhiim ah oo la isaga gudbo, xarun bambaanooyinka laga sameeyo, iyo xarun dawayneed oo muhiim u ah dhaawacyada Shabaabka,” ayuu yiri.

”Masjidka Cali Gaduud oo u dhowaa, waxay sidoo kale ahayd il dakhli oo muhim ah. Waa guul wayn.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media