Muuqaal naadir ah oo uu beebaha BTR-4 ee Ukraine uu gubayo taangiga Ruushka ee T-80BV (Daawo)

0
Russian T-80BV

(Hadalsame) 07 Dis 2022 – Askarta Ukraine ayaa faafiyey muuqaal naadir ah oo muujinaya markii uu beebbe ah nooca BTR-4 “Bucephalus” oo lugaha badan lihi uu qarxiyey taangiga dagaalka ee Ruushka ee T-80BV.

Kriegsforscher OSINT oo blogger ah ayaa soo bandhigay muuqaal uu ku andacoonayaan inuu beebaha Ukraine ee BTR-4 uu burburiyey taangi dagaal oo uu Ruushku leeyahay oo marayey waddo miyiga ah oo ku taal gobolka Kharkiv.

Beebahan oo ka tirsan Guutada 92-aad ee Mechanized Brigade oo ku qalabaysan hubka lidka taangiga ee Bar’er ayaa loo adeegsaday weerar gaadmo ah oo lagu burburiyey taangiga Ruushka ee T-80BV.

Baabuurka gaashaaman ee Bucephalus waa berri-biyood buuxda, waa 8 × 8 lugoodle oogo dhuleed kasta mari kara oo doorar badan, wuxuuna qaadi karaa unug ciidan ah isagoo ku qalabaysan madfac xigeen 30mm ah oo darandoorri u dhaca, qori caawiye ah oo 7.62 mm oo isna darandoorri u dhac, qori 30 mm oo garnayl tuuraya iyo hub lidka taangiyada ee la hago oo ay samaysay shirkadda Yukreeniyaanka ah ee Luch Design Bureau.

 

Russian T-80BV

Hadalsame Media