”Ma duuli kartaan!” – Laba dal oo Yurub ah oo iska kaashaday qabsiga diyaarad ay Tanzania leedahay

0

(Hague) 04 Dis 2022 – Diyaarad ay leedahay shirkadda Air Tanzania Company Limited (ATCL) ayaa lagu qabsaday dalka Netherlands kaddib markii shirkad iswiidhish ihi ay ku guuleysatay in Tanzania laga siiyo lacag dhan $165 milyan oo Doollar, iyagoo dacwo ka ah dhul lagala noqday Mashruuca Sonkorta ee Bagamoyo.

Weli ma cadda nooca ay tahay diyaaradda Air Tanzania laga qabsaday iyo duruufaha ku xiriirsan toona.

Si kastaba ha noqotee, dawladda Tanzania ayaa yaraysatay cabsida ka dhalatay dacwadda ATCL la taalla maxkamadda Holland, iyadoo uu Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Eliezer Feleshi uu sheegay wax walba gacanta lagu hayo.

Dr Feleshi ayaa The Citizen u xaqiijiyay in diyaaradda loo qabsaday $ 165 milyan oo Doollar, iyagoo dhinac maray war kasoo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee Xallinta Muranada Maalgashiga (ICSID) oo xukunkeeda riddey maalin uun kahor qabsiga diyaaradda.

“Waa run in ay ka dacwoodeen maxkamadda Netherlands kaddib markii aan ku guulaysanney rafcaan aan u qaadannay ICSID oo noo xugmisay inaan sii shaqayn karno. Wax walba gacanta ayay ku jiraan.” ayuu raaciyey Dr Feleshi.

Shirkadda dhulka lagala noqday waa EcoDevelopment, oo ay isla leeyihiin 18 qof oo Swedish ah, waxaana ay sheeganayaan inay Mashruuca Sonkorta Bagamoyo oo haatan diyaar ah ay ku bixiyeen $52 milyan oo Doollar kaasoo weliba tamarta ka hela hannaanka la cusboonaysiin karo iyo shidaalka caadiga ah intaba.

Hadalsame Media