Lukaku oo sameeyey arrin lama filaan ah kaddib dhamaadkii ciyaartii uu xulkiisu ku haray (Daawo)

0

(Dooxa) 01 Dis 2022 – Laacibka Romelu Lukaku ayaa niyad jabkiisii uu ka qaaday ciyaarta laga dareemayey kaddib markii uu feer la dhacay meesha ay fariistaan laacibiinta kaydka dhammaadkii ciyaartii uu xulkiisu kaga haray Koobka Aduunka oo uu cunay seddax kubadood oo gool loo filanayey.

Belgium ayaa u baahnayd inay garaacdo Croatia si ay ugu soo baxaan wareega 16-ka Koobka Adduunka, laakiin waxay ku kala baxeen barbaro goolal la’aan ah – inkastoo Lukaku uu helay fursado dahabi ah oo uu wiilasha Roberto Martinez ugu soo saari kari lahaa wareega 16-ka.

Kaddib seerigii ugu dambeeyey ee ciyaar dhamaadka, ayuu Lukaku feer ku dhuftay fadhiga kaydka, waxaana u tacsiyeeyey shaqaalaha tababarka ee Belgium oo uu ku jiro laacibkii Faransiiska ee Thierry Henry.

Weeraryahanka Inter Milan oo amaah kaga yimid kooxda Chelsea ayaa markaas kaddib ilmeeyey markii uu sii gelayey dusmada hoose ee garoonka looga baxo isagoo laga dareemayo niyad jab wayn.

Hadalsame Media