XOG: MW Xasan oo baarista weerarkii Villa Rossa u xilsaaray hay’ad aan NISA ahayn (Tillaabo cusub)

0

(Muqdisho) 29 Nof 2022 – Madaxweynaha JFS Xassan Sheekh ayaa amray in baaris lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday Hotelka Villa-Rosa oo kudhaw hoygiisa Villa Soomaaliya, kaas oo ay maalin kahor weerar kuqaadeen kooxaha Argagixisada.

Madaxweynaha ayaa u xilsaaray baaritaankan Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida, waxaana ay isla galabta Maxkamadu bilowday baaritaanka oo ay dhammaan goobta tageen.

Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayay hadda xubnaha Maxmadda ciidamadu, xogo ku waydiinayaan xarunta NISA.

Marka ay weeraradan oo kale dhacaan, Horey NISA ayaa baarista u sameyn jirtay, balse hadda waxaa muuqata in Madaxwaynuhu qaatay go’aankan cusub.

W; D: Faarax Cabdulqaadir Max’ed

Hadalsame Media