Aadan Ducaale oo xilal madani ah oo uu Kenyatta u dhiibey Ciidanka KDF kasoo celinaya (Hilibka Kenya oo…)

0

(Minneapolis) 22 Nof 2022 – Wasiirka Gaashaandhigga Kenya ee Aadan Ducaale ayaa waraysi dheer oo uu siiyey warqaadka The Nation ee dalkaasi uga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin ciidanka KDF ee Somalia jooga, shakiga ku hareeraysan xilkan loo dhiibey isagoo Soomaali ah iwm.

”Anigu marka hore waxaan ahay Kenyan, iyo Soomaali marka xiga. Waxa aan ahaa sharci-dejiye saddex xilli oo aan hadda ku guulaystey muddo xileedkii 1-aad oo aan ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyey uguna muddada dheeraa ee Aqlabiyadda Baarlamanka Qaranka, waxaan hadda doonayaa in aan saamayn iyo raad ku yeesho dowladda.” ayuu yiri Ducaale.

Wuxuu sheegay in MW hore ee Uhuru Kenyatta uu xilal dadwayne oo madani ah u dhiibey ciidanka Xoogga ee KDF kuwaasoo uu ballanqaaday inuu kusoo celinayo gacmahaya rayidka.

Waxaa ka mid ah Maamulka Nairobi ee NMS (Adeegga Magaalada Nairobi), oo uu madax u yahay sarkaal ciidan, oo uu khalad wayn ku tilmaamay. Sidoo kale Komishanka Hilibka Kenya (KMC) oo uu Kenyatta ciidanka u dhiibey oo rayidka lagu celinayo, iyagoo ka mas’uul ah xoolaha lagu qalayo dalka.

Hadalsame Media