MW Somalia oo ku dhawaaqay degmooyinka uu ku fooggan yihiin weerarro la qorsheeyey

0

(Maxaas) 19 Nof 2022 – Madaxwaynaha DF Somalia, Md Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta u baxay kormeer uu ku kala bixinayo furimaha dagaalka ayaa gaarey degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo saldhig u ah ciidamo weerar ku ah meelo kala duwan, sida Galguduud iyadoo ay joogaan ciidankii kasoo baxay Wabxo oo doonaya inay noqdaan.

MW Somalia, ayaa halkaasi waxaa si wayn ugu soo dhoweeyey Madaxwayne Xigeenka HirShabeelle, oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Xildhibaanno, saraakiil, bulshada rayidka ah iyo dadwaynaha degaanka.

Xasan oo hadal ka jeediyey degmada Maxaas ayaa shacabka ku amaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay si firfircoon dadwaynuhu uga qayb yihiin haatan, isaga oo ballanqaaday inay DF taageero la garab taagan tahay dadka maxalliga ah ee dagaallamaya sida Macawislayda.

MW ayaa dhanka kale wuxuu tilmaamay halka uu ku fooggan yahay qorshaha socda iyo in la xorayn doono dhulal muhim ah oo weli gacanta ugu jira kooxda Al Shabaab, isagoo si gaar ah u xusay degmooyinka Ceelbuur, Xarardheere, Galhareeri iyo Aadan Yabaal.

Si kastaba, dadka istaraatijiyadaha dagaalka yaqaan ayaa dhaliilsan qaabka gaabiska ah ee ay DF usoo gashay dagaalka iyadoo ay beri dhowayd dhacday in laga baxay degaanno horay loo xoreeyey kaddib markii uu taliska ciidamadu amray in laga soo boxo lamana sharrixin sababta. Waxaa sidoo kale maqan in weerarrada hal mar la wada qaado.

Waxaa sidoo kale muuqata gaabis iyo habacsanaan ka jira dhinaca Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS oo aan wax tillaabo ah qaadinba.

Hadalsame Media