“Inta noo imaatid nama caayi kartid!” – Qadar oo u digtey ciddii maagan inay soo qaadato calanka Qaanso-roobaadka

0

(Hadalsame) 15 Nof 2022 – Taliye Booliis Jen. Cabdulcasiis Cabdullaahi Al Ansaari, ayaa si adag uga hadlay taageerayaal sheegay inay damacsan yihiin inay soo qaataan calanka Qaanso-roobaadka ah ee kooxaha LGBTQ.

“Haddii uu (taageere) kor u qaado calanka qaanso-roobaadka oo aan ka qaado, sababtu maaha inaan u gefayo, laakiin waxaan rabaa inaan ilaaliyo isaga,” ayuu Al Ansari u sheegay AP.

“Sababtoo ah haddii aysan aniga ahayn, qof kale oo ag fadhiya ayaa laga yaabaa inuu weeraro (isaga) … Ma dammaanad qaadi karo dhaqanka dadka oo dhan. Marka waxaan u sheegi doonaa: ‘Fadlan, looma baahna in dhab ahaan calankaas kor loo taago xilligan.’ ” ayuu raaciyey.

Al Ansari waa Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ah iyo Gudoomiyaha Guddiga Qaran ee la Dagaalanka Argagixisada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha isagoo AP kala hadlay qorshaynta Koobka Adduunka muddo saacad ah.

“Haddii aad rabto inaad muujiso aragtidaada ku saabsan xaaladda (LGBTQ), ku muuji bulsho laga aqbalsan yahay dhexdeeda,” ayuu yiri.

“Waxaan ognahay in qofku uu u helay tikidhada, oo uu halkan u yimid si uu u daawado ciyaarta e ma aha inuu ka mudaaharaado, fal siyaasadeed ama wax maskaxdiisa ku jira.

“Daawo ciyaarta. Taasi waa wanaagsan tahay. Laakiin run hanoo imanin ee ha caayin bulshada oo dhan sababtan awgeed.” ayuu kusoo afjaray digniinta.

Hadalsame Media