”Annagu uma ciyaarno Ronaldo” – Laacib ka tirsan Xulka Portugal oo runta u sheegay CR7 (Daawo)

0

(Dooxa) 15 Nof 2022 – Danilo Pereira ayaa ku adkaystay in ‘Portugal aysan kaliya u ciyaarin Cristiano Ronaldo‘ kaddib markii uu waraysi uu bixiyey xiddigga Manchester United uu hareeyey isku diyaarintooda Koobka Adduunka Qadar.

37-jirkan ayaa bartilmaameed ka dhigtay macallinka Man United ee Erik ten Hag iyo milkiilayaasha kooxda, gaar ahaan qoyska Glazer, isagoo waraysi wax badan daaha ka qaadaya siiyey Piers Morgan horraantii todobaadkan.

Hadalladiisa ayaa loo badinayaa inay soo afjareen waayihiisa labaad ee kooxda Old Trafford oo aysan u badnayn inuu dib ugu laabto, sidoo kalena waxay dhaawaceen dhaxalkiisii uu kooxdaasi uu kusoo baxay ku lahaa.

“Kubado badan ayaan u tuuri doonnaa isaga dhankiisa, waxaanna isku dayi doonnaa inuu dhaliyo goolal, sidoo kalena wuxuu dalban doonaa taas,” ayuu yiri Danilo.

Waxa uu hadalkiisa raaciyey: “Waa wax dabiici ah inay warar noocan ihi jiraan, waayo dadku waxay u malaynayaan inaan u ciyaarayno Cristiano, laakiin taasi sax maahan. Waxaan u ciyaarnaa si aan ku badino ciyaaraha.’ ayuu ku dooday.

Warkan ayaa kusoo beegmaya jeer ay kulushahay xaaladda xerada tababarka Portugal, iyadoo la sheegay inay isku dheceen CR7 iyo João Cancelo iyo Bruno Fernandes oo ayba isku koox yihiin.

Hadalsame Media