”Tani waa Soomaali” – Kurdiga oo bilaabay inay is difaacaan kaddib markii lasoo bandhigay gabar ”qiratay” qaraxii Istanbul + Sawirkeeda

0

(Istanbul) 14 Nof 2022 – Waxaa lasoo bandhigay haweenay katiinadaysan oo la sheegay inay qiratay inay ka dambaysey qaraxii Istanbul, iyadoo sheegtay inay tababareen kooxda PKK iyadoo ka tiirsan sirdoonka kooxdan, laguna magacaabo Ahlam Albashir, oo u dhalatay dalka Suuriya.

Waxa ay sidoo kale sheegtay inay si sharci darro ah kusoo gashay Turkiga iyada oo soo martay marinka Afrin-Idlib si ay tillaabadan u qaaddo, sida uu sheegay Ragip Soylu oo sawirkeeda soo bandhigay.

Kaddib waxaa bilaabatay dood ku saabsan inay gabadhani Kurdish tahay, inay Carab tahay maadaama uu magaceedu Carabi u dhadhamayo sida ay qaar ku doodeen.

Ha yeeshee, mid ayaaba ku dooday inay tahay qof jirdil lagu sameeyey halka uu mid kale ku dooday inay ”Soomaali u egtahay.”

Si kastaba, gabadhan ayaan u qaab ekayn mid sawirradeeda horay loo faafiyey, waloow dad badan oo rag iyo dumar leh la qabtay ilaa haatan kuwaasoo labaatan ka badan.

Hadalsame Media