Cashar ay DF Somalia ka baran karto qaraxa ka dhacay magaalada Istanbul

0

(Istanbul) 13 Nof 2022 – Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay 38 kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu qarax ka dhacay wadada caanka ah ee Istiklal Avenue casar liiqii, sida uu baraha bulshada ku xaqiijiyey Gudoomiyaha Istanbul ee Ali Yerlikaya.

 

Haddaba, Dowladda iyo Maamulka magaalada Istanbul ayaa soo saaray qodobbo ay xaaladda taagan kula macaamilayaan, kuwaasoo muujinaya cashar laga baran karo:

1 – Inaan wax dhiig ah loo baahnayn maadaama Hay’ada Bisha Cas iyo hay’adaha kale ee dowladdu ay isbitaallada dhiig gaarsiiyeen.

2 – In warbaahinta tan taqliidiga ah iyo tan bulshadaba laga mamnuucay faafinta ku saabsan qaraxa.

3 – In si guud hoos loogu dhigay awoodda internet-ka si loo xaddido faafinta dacaayad kasta oo ka iman karta ama wax u tari karta kuwii qaraxaas ka dambeeyey.

Hadalsame Media