Dal Muslim ah oo soo saaray gantaal dili kara diyaaradda raadaarka ka dhuumata ee F-35 + Sawirro

0

(Hadalsame) 12 Nof 2022 – Iran ayaa soo bandhigtay nooc la cusboonaysiiyey oo ah gantaalka Bavar-373 (Belief-373) ee gantaalaha cir ilaa cir (SAM) 8-dii Nofeembar.

Nidaamkan la casriyeeyey ayaa la sheegay inuu jari karo masaafo ka badan 300 oo kilomitir, waxaana sheegashada ku jirta inuu xitaa dili karo diyaaradaha raadaarka ka dhuunta ee casriga ah sida F-35 oo kale.

Wasiirka Difaaca Iran, Mohammadreza Ashtiani, ayaa ka qaybgalay daah-furkiisa, iyadoo nidaamkan lagu guulaystey in lagu tijaabiyo nidaamka Sayyad B4 (Hunter B4).

Intii lagu jirey tijaabada, raadaarka isna la cusboonaysiiyey ee nidaamka nidaamka Bavar-373 ayaa la sheegay inay u suurtagashay inuu arko bartilmaameed jooga fogaan ka badan 450 kiiloomitir.

Waxaana markii bartilmaameedka lagu raadiyey raadaarka gantaalka aan soo sheegnay lagu toogtey isagoo jira masaafo dhan 300 kiiloomitir.

 

Hadalsame Media