Laacib EPL ka ciyaari jirey oo gaarigii uu watey la dhex galay dukaan xaafadeed + Sawirro

0

(Hadalsame) 07 Nof 2022 – Ciyaartoy hore oo Premier League ka dheeli jirey yaa loo xiray tuhun ah inuu baabuur wadey isagoo saqraansan kaddib markii uu Land Rover-kiisa ku soo dhuftay dukaan xaafadeed ku yaalla County Durham.

Sawirrada shilkan ayaa muujinaya gaariga oo gafuurka hore kula jira gudaha dukaanka. Shilkan ayaa sababay khasaare laxaad leh, waxaana xitaa la daad gureeyey dadkii degganaa dabaqa sare ee dhismaha.

Dukaanka ayaa xirnaa isbuuc-dhamaadkii shalay, waxaana goobta yimid kooxda dab-demiska kaddib shilka oo dhacay 9.30 fiidnimo ee jimcihii, waloow ay saxaafaddu haatan faafisay.

37-jirkan ayaa waxaa dammaanad kusii daayey Booliiska Cleveland iyadoo la sugayo baaritaanno dheeri ah, balse siima daynin magaca qofka kiisku khuseeyo.

Shilkan cidina wax kuma noqon sida uu xaqiijiyey Michelle Morley.

Hadalsame Media