(Muqdisho) 31 Okt 2022 – Howlgalka sharciyadda ka haysta Midowga Afrika (AU) ee AMISOM, oo ay taageerto Qaramada Midoobey (UN) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya 1-dii Abriil ee sanadkan go’aamiyey in, AMISOM lagu beddelo Hawlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Howlgalka cusub ayaa loo dhilay inuu shaqeeyo ilaa dhamaadka sanadka 2024-ka, iyadoo wixii ka dambeeyana dhammaan mas’uuliyadaha amni ee dalka lagu wareejin doono ciidamada amniga Soomaaliya.
Yeelkeede, ATMIS ayaan weli qaadin tillaabooyin wax ku ool ah oo ku saabsan in la qaado howlgallo wadajir ah iyo in sidoo kale la diyaariyo lana tayeeyo ciidanka Somalia si ay iyagu dalka gacanta ugu dhigaan.
AMISOM oo xitaa xilligii jirtey aan inta badan ka qaybqaadan howlgallada tooska ah sida marka ay meel weeraraan IWM, ayaa waxaa bedeley ATMIS waxaana kaddib qaraxii Sabtigii ay hadda soo gelisey sawir la qaaday dhammaadkii Sebtembar, iyadoo ku dul qortay:
”Iyadoo qayb ka ah wejiga 2-aad ee howlgallada qorshaysan ee wadajirka ah ee ka socda gobolka Hiiraan, Ciidanka XDS oo ay taageerayaan ATMIS ayaa Al-Shabaab ka xoreeyey Tuulada Aboorrey,”
”Howlgallada wadajirka ah ee ka dhexeeya Ciidanka XDS iyo ATMIS waxay muujinayaan iskaashiga wax ku oolka ah ee looga hortegayo argagixisada Soomaaliya.” ayay raaciyeen.
Tan ugu darani waxay tahay in muuqaalka laftiisu uu marka laga soo tago inuu gabow yahay uu misna muujinayo in la adeegsanayo madaafiicda goobta oo lagu ridayo meelo aan la ogayn cidda joogta, halkii dagaal toos ah la geli lahaa, maadaama aysan Shabaabku xero gaar ah ku jirin, taasoo xitaa dad shacab ah galaafan karta.
Sidoo kale, in Macawisleey iyo shacab loo baahdo iyadoo ay joogaan ciidan ka badan labaatan kun ayaa sidoo kale ka marqaati kacaysa ujeedka ciidamada hadda dalka jooga oo aan inta badan dhufaysyada kasoo bixin.
As part of Phase 2 of targeted joint offensive operations in the #Hiran region, @SNAForce supported by #ATMIS have liberated Aboorey Village from Al-Shabaab. Joint operations between @SNAForce and #ATMIS highlight the effective partnership to defeating terrorism in #Somalia. pic.twitter.com/rEz4vT841p
— ATMIS (@ATMIS_Somalia) October 31, 2022
Hadalsame Media