Hindiya oo soo saartay wargelin Soomaalida ka farxinaysa (Waa maxay?)

0

(Nairobi) 27 Okt 2022 – Safaaradda Hindiya ee Nairobi ayaa soo saartay ogaysiis ku socda dadka dalka Somalia.

Safaaradda ayaa dadka ku wargelisey in wixii Soomaali ah dalka Hindiya ah doonaya ay hadda kaddib u wareegaan dhanka Addis Ababa, Itoobiya.

Qorshahan cusub ayaa hirgelaya wixii ka bilowda bisha Nofeembar ee soo aaddan.

Yeelkeede, Safaaradda Nairobi ayaa weli sidoo kale sii wadi doonta bixinta fiisaha inta u dhaxaysa 1 ilaa 7-da Nofeembar, si loo sahlo kala-guurka. Waxaad isla xilligaa iyana ka helaysaa Addis Ababa.

Safaaradda Hundiya ee Somalia ayaa awal dul saarnayd tan Kenya, waxaana sida muuqata haatan la dul saaray oo loo wareejiyey midda Itoobiya.

Hindiya ayaa sidan u samaysay inay Soomaalida u sahlan tahay imaanshiyaha Addis Ababa oo fiisaha imaansho ku siisa sidoo kalena ay labada dal isku xirto diyaaradda caalamiga ah ee Ethiopian Airlines.

Hadalsame Media