XOG RASMI AH: Dagaalkii ugu cuslaa ee ka dhan ah Al Shabaab oo gobollada dhexe laga qorshaynayo

0

(Hadalsame) 17 Okt 2022 – Shir looga hadlayo dagaalka ka dhanka ah Al.-Shabaab ayaa la filayaa in lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Shirka oo soconaya labo maalin, waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin magac ku leh Soomaaliya.

Madaxda halkaas ku sugan waxaa ka mid ah raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaashii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) iyo sidoo kale sanatarro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, kana soo jeeda Galmudug.

Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa BBC Somali u sheegay in ujeeddada shirka ay tahay sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa guud ahaan Galmudug.

Cali Daahir Ciid, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug

XIGASHADA SAWIRKA,MADAXTOOYADA GALMUDUG

“Abaabul nimanka khawaarijta ah looga xoreynaya Galmudug ayaa waxa uu ka socdaa magaalada Dhuusemareeb, kaas oo ay u dhan yihiin dhammaan 11-ka qabiil ee dega Galmudug iyo dowladda,” ayuu yiri.

“Waxaa shirkaan sidoo kale lagu sii xoojinayaa duufaanta hadda socota ee waddanka looga sifeynayo Al-Shabaab ee ay ciidamada dowladda, macaawiisley iyo qabaa’illada ay iska kaashanayaan,” ayuu sii raaciyay.

Waxa uu sheegay in marka shirka uu soo dhamaado la aadi doono howgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in shirka madaxtooyada Galmudug uu qeyb ka yahay howsha iyo abaabulka lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay ka haysato gobollada Mudug iyo Galgaduud.

“Waxaan rajeynaynaa in bishaan Oktoobar inta aysan dhamaan Galgaduud iyo Mudug iyo kulli aagaggaas oo dhan shaqada ay ka billaabato, culeyska Hiiraan haystana uu ka dul qaadmo,” ayuu yiri wasiirka oo ka qeyb galay doodda Twitter Space ee BBC Somali.

Ahmed Macallim Fiqi

XIGASHADA SAWIRKA,FIQI

Wuxuu intaa ku daray in shirka ujeeddadiisa ay tahay in loo dhaqaaqo dhanka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ka mid ah meelaha ay haysato Al-Shabaab.

Dhaqdhaaqyo ciidan ayaa ka socda dhowr deegaan oo Galgaduud, Mudug, Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ah, sida uu sheegay wasiirka.

Waxaa jira ciidamo ka degay Beledweyne iyo dhaqdhaaqyo cusub oo ka billowday Shabeellaha dhexe. Wasiirku wuxuu aaminsan yahay in furimaha cusub ee laga howlgalayo ay sababi doonaan in Al-Shabaabka ku sugan deegaannadaas la go’doomiyo, marka u dambeysana ay isku soo dhiibaan dowlada.

Waxaa maalmihii dambe jiray warar la isla dhexmarayay oo sheegayay inuu hakad ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday Galmudug.

Hase yeeshee madaweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa beeniyay arrintaas, isagoo xusay in dagaalku uu socday, uuna sii socon doono. “Waxaa lagu sii xoojiyay dhiirragelin iyo gurmadyo kala duwan marka dagaalkaas marnaba ma istaagi,” ayuu yiri.

“Waxaa naga go’an inaan si buuxda u xoreyno degmooyinka muhiimka ah sida Ceel-dheere, Ceel-buur iyo Xaradheere,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Wuxuu madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyay sida uu u abaabulay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, loona wajahayo qaab ay ciidanka qaranka iyo qabaa’ilka uga wada qeyb qaadanayaan.

BBC

Hadalsame Media