Dal Midowga Yurub ah oo wax ka bedelaya sharciyada cunsuriyadda (Maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 15 Okt 2022 – Waxaa sanadahan Yurub kusoo xoogaysanaysa aragtida ku dhisan wadaniyadda abnaqa ama isirka ku salaysan. Dalka Austria ayaa haddaba doonaysa inuu xoojiyo sharciyada ka dhanka ah Naasinnimada kaddib markii ay warbaahintu daaha ka qaadday in sarkaal ka tirsan millaterigu uu sii shaqaynayo inkasta oo la qabtay isaga oo xiran darayska Naasiga islamarkaana uu sameeyey salaantii cududda la taagayey ee Hitler ah.

Saraakiisha ciidamada ayaase hadda sheegay in loo dhaadhiciyey shaqooyin aan ahayn kuwo ciidan.

Wasiirka Cadaalada, Alma Zadic iyo Wasiirka Dastuurka, Karoline Edtstadler, ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu bedelayo sharciga si shaqaalaha si toos ah shaqada looga eryo haddii lagu helo dembiga ah inay jebiyeen sharciga mamnuucida cunsuriyadda, kaasoo qayb ka ah sharciyadii la meelmariyey kaddib Dagaalkii Labaad ee Aduunka.

Any form of the glorification of Nazism is an intolerable attack on our democratic society. There must be zero tolerance here.

“Qof kasta oo lagu helo inuu jebiyey Xeerka Mamnuucidda wax shaqo ah kuma laha howlaha adeegga bulshada,” ayuu yiri ayuu shir jaraa’id ka sheegay Wasiirka Cadaaladdu.

Tillaabadan ayaa timid kaddib markii wargayska Kurier uu Arbacadii sheegay in 36-jir ka mid ah saraakiisha kasoo jeeda gobolka koonfureed ee Carinthia uu xirtey “darayska SS” oo ay ku jiraan koofiyaddii lahayd astaanta Swastika, isaga oo isticmaalaya dharka xusuusta Naasiga oo uu ka dalbaday internet-ka.

Hadalsame Media