Dal taangiyo badan ugu deeqay dalka Ruushka & Nooca ay yihiin + Sawirro

0

(Hadalsame) 14 Okt 2022 – Dufcaddii ugu horreeysey ee labaatan ah taangiyada Belarusia ee T-72B ayaa la sheegay in laga saaray kaydka iyadoo loo diray gobolka Belgorod ee Ruushka, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday Abaanduulka Ciidamada Ukraine.

Sida ay Ciidamada Xoogga Ukraine faafiyeen, tawaangida ay Belarus ku taageertay dalka Ruushka waxaa sameeya isla Ruushka oo waa T-72B3, bale waxaa lagu casriyeeyey Belarusia.

Belarusia marka lagu daro Iran waa labada dal ee ilaa haatan la sheego inay taageero ciidan siiyaan Ruushka, iyadoo Belarusia laguba xanto inay ciidankoodu dagaalka ku jiraan iyagoo xiran tuutaha Ruushanka. Waxaa la filayaa inay hub kale u diraan Ruushka.

Bishii Juun 2019-kii, ayay Wasaaradda Difaaca Belarus waxay heshiis la saxiixatay shirkadda Ruushka ee Daraasaadka iyo Farsamada ee Uralvagonzavod si loo casriyeeyo tawaangida T-72B ee dagaalka si loo gaarsiiiyo heerka T-72B3 sanadihii 2019-2020.

Uralvagonzavod waxay si joogto ah u cusboonaysiinaysey taangiyada T-72B ee ciidanka Belarus tan iyo 2015-kii qorshe horay u hoos imanayey Heshiiska Horumarinta Iskaashiga Farsamada ee u dhexeeya Belarus iyo Ruushka oo ah dalal olog dhow ah.

Nie zezwalam na modyfikowanie tego pliku.
Nie wyrażam zgody na fizyczne umieszczanie tego pliku na witrynach internetowych.
Nie zezwalam na wykorzystywanie tego zdjęcia bez mojej zgody.
Zgodę można uzyskać po kontakcie przez formularz na stronie czarnota.org

Hadalsame Media