Askari Ruush ah oo kas beer miino ah u dul mariyey TAANGI uu kexeeynayey (Daawo)

0
A left front view of a Soviet MT-LB multi-purpose tracked vehicle on display at Bolling Air Force Base.

(Hadalsame) 14 Okt 2022 – Warbaahinta reer Galbeedka ayaa si wayn u hadal haysa warar aysan dacaayadina ka marnayn oo ay ku sheegayaan inuu meel aad u hooseeysa marayo moraalka Ciidanka Ruushka ee ku sugan Ukraine.

Waloow ay taasi jirtase, weli Ruushku wuxuu dalkaasi kasii wadaa wax uu ku sheegay ”howlgal gaar ah”, waloow marka xeerka caalamiga ah la eego uu dalkaasi ku duuley.

Si kastaba, waxaa haatan soo baxay muuqaal dood badan abuuray, kaasoo la xaqiijiyey inuu yahay askari Ruush ah oo taangi nooca Soofiyeet-sameega ah ee MT-LB si kas ah ugu dul socodsiiyey beer miino ah.

Tan ugu yaabka badanina waa in miinada uu dul maray aysan xitaa qarsoonayn, taasoo muujinaysa inuu ogaa wixii uu sameeyey ee uu kas sidaa u yeelay.

Dadka qaar ayaa falkan ku sheegay mid uu isku miidaaminayey askariga taangiga kexeeynayey, lamase oga inay dad kale gudaha ku jireen iyo in kale.

Hadalsame Media