(Nairobi) 11 Okt 2022 – Qodobka 12-aad ee xeerka ay dowladda Kenya u sameysay dembiyada la xiriira lacagaha ayaa dhigaya in qof walba oo waddanka soo galaya ama ka baxaya lagula xisaabtamo lacagaha uu wato.
Labo shardi oo ku xiran la safridda lacagta ayaa kala ah:
- In lacagtu aysan ka badan $10,000 oo doolarka Mareykanka ah aha lacag u dhiganta intaas
- In lacagta ka badan tiradaas loo qaato fasax ka hor inta aan lala soo safrin
“Qofkii si ulakac ah u bixin waaya xogta ku saabsan lacagta uu wato ee uu la galayo ama kala baxayo Kenya, ama bixiya xog marin-habaabin ah oo ku saabsan tirada lacagta, waxa uu galay dambi,” ayaa sidoo kale lagu yiri xeerka.
‘Dhibku lacagta ma aha’
Caadiyan dambi ma aha lacagta ay wateen dumarka lagu qabtay garoonka diyaaradaha, hase yeeshee sida ay qabaan dadka arrimahan aqoonta u leh waxay ahayd in haweenkan ay horey ugu wargaliyaan mas’uulyiinta garoonka, ayna ahayd in ay caddeeyaan tirada lacagta ay wateen iyo sida ay ku heleen.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Sharaxaadaas in ay bixiyaan qudheeda ayaa la aaminsan yahay in mararka qaar ay si guud u keeni karto cabsi la xiriirta in lacagta laga qaato.
“Sababaha sida guud ku qasba dadka in ay qarsadaan lacgta ayaa ah amni xumo, markii aad lacaga tira badan ku dhahdo dalalka Afrika, lacagtaan ayaan wataa qofkii wuu baqayaa oo wuxuu is leeyahay armaa lagaa qaataa,” ayuu yiri Sulaymaan Bashiir Saalax oo ka hawlgala maxkamadda sare ee Kenya.
Sidoo kale waxyaabaha keenaya in dadku lacagaha qarsadaan ayaa ah in dadka qaarkood aaney fahmsaneyn sharciga, sida uu khabiirku u sheegay BBC-da.
Qodobka lagu haysto dumarka Soomaalida ah
Hadda waxa lagu heystaa dumarkan in hab sharci darro ay lacag ku soo geliyeen dalka Kenya, lacagtaas oo aaney caddeyn meesha laga keenay iyo sida lagu helay.
Sulaymaan Bashiir Saalax ayaa qaba in haddii ay baaritaanka ku caddeyaan isla markaana ku sheegaan halka ay lacagta ka keeneen iyo waxa ay ka shaqeeyeen aysan dambi yeellan doonin.
“Baaritaanka haddii ay dowladda ugu caddaato in lacagtaan ay si xalaal ah ku keensadeen ama ay caddeyn karaan sida ay lacagtan ku abuureen markaas adambi malahan,” ayii yiri qareen Suleymaan oo BBC-da u warramayay.
Lacagta maxaa laga yeelayaa?

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Inta badan marka ay dhacdo arrintan oo kale waxaa xoogga la saaraa in ay ka wada hadlaan lacgta labada dowladood oo midna lacgta dalkeeda lagu qabtay midna laga keenay markii hore.
Haweenkan maadama ay hadda ka yimaadeen dalka Hindiya, waxaa suurtagal ah in dowladda Kenya ay xiriir la sameyso dalkaas si loo ogaado lacgtan iyo waxa ay tahay.
Qareen Suleyman ayaa aaminsan in haddii dalkaasi khalad looga soo saaray lacgtan uu sharcigu qabo in iyaga dib loogu celiyo, waase haddii ay haweenku caddeyn waayaan halka ay lacgtaan ka keneen iyo ganacsiga ay ka sameeyeen.
Haddii aan Hindiya loo celin oo aysan wax shaqo ah ku laheyn haweenkuna ay soo bandhigi wayaan caddeymo sax ah, waxaa lacagta la wareegeysa dowladda Kenya.
“Haddii aaney lacagta Hindiya shaqo ku lahayn haweenkuna sharaxaad fiican ka bixi waayaan lacagtaan sida ay ku heleen, marnaba dowladda Kenya uma celinayso iyaga,” ayuu yiri Sulaymaan Bashiir.
Bishii February ee sanadkan ayaa garoonka JKIA lagu qabtay nin u dhashay Kenya oo kasoo safray dalka Burundi, kaasoo watay lacag dhan $2 milyan oo doolar.
BBC
Hadalsame Media