Jid wayn oo ay gawaaridu isku dhaafayso oo ay mar qura 2 gantaal oo culusi ku dhaceen (Daawo)

0

(Kyiv) 11 Okt 2022 – Ruushka oo ka caroodey weerar qarax ah oo lala eegtay buundada Crimea ayaa weerar ku ekeeyey magaalooyinka waawayn ee Ukraine.

Magaalooyinka weerarrada lagu qaaday waxaa ka mid ah; caasimadda Kiev, Odessa, Dnepr, Kharkov, Rovno, Lviv, iyo Ivano-Frankovsk.

Yeelkeede, waxaa ugu darnaa labo gantaal oo ay qabteen Kaamarooyinka ku yaalla dhaashka gawaarida jid ku yaalla Dnipro, Ukraine.

Duqaymahan ayaa qayb ka ahaa dhowr gantaal oo loo ridey jawaab-celintii weerarkii lagu qaaday Buundada Crimea ee xiriirisa Marinka Kerch Strait.

 

Hadalsame Media