”Laba todobaad ayaan ku qabsan karnaa Kenya” – Wiilka bedelaya MW Museveni oo faafiyey qoraallo laga caroodey

0

(Hadalsame) 04 Okt 2022 – Wiilka uu dhalay Madaxwaynaha Uganda ee Yoweri Museveni ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray sida uu uga xun yahay in Madaxwaynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta uusan markii saddexaad, isaga oo aan dastuurka xeerinin, u tartamin doorashadii madaxwaynenimo ee dhawaan lagu doortay William Ruto.

Waxa uu ku kaftamay [inkastoo ay su’aal ka taagan tahay] in Uganda ay si sahlan duullaan ugu qaadi karto Kenya kuna qabsan karto, isagoo dadka waydiiyey meeshii uu degi lahaa, haddii ay taasi dhacdo.

Bartiisa Twitar-ka oo la xaqiijiyeyy inay tahay tan uu sida rasmiga ah u leeyahay wilka Madaxwaynaha Uganda, Muhoozi Kainerugaba oo ah Jeneraal, ayaa sidoo kale bartiisa twitter-ka kusoo qoray in aanu dan ka lahayn dastuurka iyo sharciga, balse uu rumaysan yahay wax uu ”kacaan” ku sheegay.

Tan ugu darani waa in Jeneraal Kainerugaba, oo caan ku ah waxyaabaha muranka dhaliya, loo diyaarinayo inuu bedelo aabihiis, Yoweri Museveni, oo muddo dheer ku dangiigey xilka Madaxwaynaha Uganda.

Dad Kenyan ah oo farriinta wiilkan ka fal-celiyey ayaa dood ka keenay saaxi ahaanta dhimirkiisa.

Hadalsame Media