Wararkii ugu dambeeyey qaraxyada Beledwayn oo ay ku dhinteen madax ka tirsan Hirshabeelle + Magacyada

0

(Beledwayn) 03 Okt 2022 – Laba qarax oo waawayn ayaa ka dhacay magaalada Beledwayne gaar ahaan Xerada Lama-galaay aya waxaa laga soo sheegayaa khasaare aad u wayn.

Labada qarax oo is xigey ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baledwayne waxaana dadka ku dhintay ka mid madax halkaa u tagtay dib u dhiska isbitaal horay ay u qarxiyeen isla kooxda Al Shabaab.

Dadka ku geeriyoodey qaraxyada waxaa kamid ah Wasiirkii Wasaarada Caafimaadka Hirshabeelle, Dr Sakariye Hure iyo Gudoomiye Xgeenkii Maamulka iyo Maaliyada Gobalka Hiiraan, Abuukar Cabdullaahi Maadeey.

Waxaa goobta ka soconaya gurmad lagu gaarayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadan, iyadoo ay aad u kacsan tahay xaaladda magaalada Beledwayn.

Tan ugu darani waa in Dr Hurre uu dhowaan uun dalka dib ugu laabtay kaddib markii ay u dhamaatay waxbarasho uu dalka Turkiga u joogey.

Hadalsame Media