(Hadalsame) 01 Okt 2022 – Ururka Al Shabaab ayaa Jimcihii shalay ahayd diley 12 qof oo rayid ah oo ceel biyood ka qodayey Gedo oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya oo ay abaaruhu aad u halakeeyeen.
Weerarkan ayaa ka dhacay degaanka Garilleey oo u dhexeeya degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Waxaa ay wararku sheegayaan in kooxdan oo hubeysani ay weerar ku qaadday shaqaalaha oo ku sugnaa goobtii ay ceelka qodayeen, iyagoo laayey kaddibna gubey maydadkoodii iyo qalabkii ay wax qodayeen sida riiggii ceelka, sida uu sheegay Mahad Cabdi oo ka mid ah dadka degaanka oo goobta booqday kaddibna tiriyay maydadka.
Tan ugu darani waa in degaankan ay ka taagan tahay abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika soo marta muddo 40 sano ah, taasoo keentay in Qaramada Midoobey ay ka digto macluul soo fool leh.
Maxamuud Cabdi Warsame oo ah duqa magaalada Gerilleey ayaa xaqiijiyey tirada dhimashada, waxaana uu sheegay in sidoo kale ciidamada ammaanku ay dileen lix ka tirsan Al-Shabaabka gaystey falkan arxan la’aanta ah.
Lama oga sababta loo laayey dad rayid ah oo aan waxba galabsan, balse waxay kusoo beegmaysaa maalmo uun kaddib markii ciidamada dowladda ay howlgallo ka sameeyeen gobolka Gedo ay ku dileen malleeshiyaad badan.
Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay gubeen guryo, riigag ceel, sidoo kalena dad shacab ah ayay qoorta ka gooyeen, sida ay sheegeen dadka degaanku.
Hadalsame Media