(Wiltshire) 01 Okt 2022 – Siyaasiyiinta muxaafidka ah ee Britain ayaa ku eedeeyey Wasaaradda Difaaca in aysan “waxba ka qaban” si loo qaabilo qaxootiga Ukraine ee guryaha la’, in kasta oo 1,350 guri oo ay millaterigu leeyihiin ay faaruqsan yihiin gobolka Wiltshire oo keliya.
Boqollaal qoys oo Yukreeniyaan ah oo hadda la nool martigeliyeyaal reer UK ah ayaa laga yaabaa in dhowaan laga dhigo guryo la’aan.
Qorshihii Dowladda UK ee ‘Guriyo u helista reer Ukraine’ ayaa sahlay in ka badan 156,000 oo qaxooti reer Ukraine ah oo soo gaaray UK tan iyo bishii Maarso ay guryo helaan, sida ku cad xogta Dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, xilli qaar badan oo ka mid ah kafaala-qaadayaasha guryahooda dejiyey qaxootigani ay ogolaadeen inay dadkan martigeliyaan keliya muddo lix bilood ah oo ay diideen inay kordhiyaan, gayfanayaasha ayaa ka digey Agoosto in ilaa 50,000 ay guryo la’aan noqon karaan sanadka soo socda.
“Waxaan hadda qarka u saaran ahay xiisad dhanka guriyeynta ah,” ayuu yiri Xildhibaan Richard Clewer, hoggaamiyaha Konserfatifka ee Golaha Wiltshire, oo maanta la hadlay Daily Mail.
“Waxaan hayaa ilaa 360 qoys oo Yukreeniyaan ah oo ay u badan tahay inay u baahan yihiin inay ka tagaan qoysaska martigeliyey sababtoo ah waxa uu heshiisku ahaa lix bilood oo qura.” Ayuu raaciyey isagoo Wasaaradda Gaashaandhigga ka codsaday inay dadkan dejiso guryaha bannaan ee ciidanka.
Hadalsame Media