(Ankara) 01 Okt 2022 – Ankara ayaa sheegtay in ay xoojin doonto joogitaankeeda millateri ee woqooyiga Qubrus kaddib markii uu Maraykanku go’aansaday inuu xannibaadaha ka qaado ganacsiga hubka ee jasiiraddan, sida uu yiri Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan.
Erdogan ayaa intaa raaciyey in go’aanka Washington ee hubka looga iibinayo jasiiraddan uu yahay “mid aan la micnayn karin marka la eego nuxurka iyo waqtiga.”
Qubrus waxay Turkiga u ahayd mowduuc istaraatiji ah oo aad u kulul tan iyo markii uu dagaalku dhexmaray Giriigga iyo Qubrusiyiinta Turkiga sannadkii 1963-kii. Kaddib afgembigii militeri ee 1974kii jasiiraddam ayaa loogu qaybiyay laba mandiqadood oo kala maamul ah
Saddex meelood labo meel jasiiradda waxaa maamula Qubrusiyiinta Giriiga, oo caalamka looga yaqaan Jamhuuriyadda Qubrus waana xubin buuxda oo ka tirsan Midowga Yurub, halka jasiiradda inteeda kale ee soo hartay lagu magacaabo Jamhuuriyadda Turkiga ee Woqooyiga Qubrus – waana nidaam ay kaliya aqoonsan tahay Dowladda Turkigu.
Hoos ka DAAWO warbixin uu Maxamed Xaaji moowduucan ka diyaariyey…
Hadalsame Media